Welcome to Our Obk School

Aqoon, Akhlaaq, iyo Horumar. Waxaan halkan ku dhisaynaa hogaamiyayaasha berri.

Waxbarasho Tayo Leh

Waxaan bixinaa waxbarasho tayo sare leh oo ku salaysan manhajka rasmiga ah, si aan ardayda ubadkeena ugu diyaarino mustaqbal aqooneed iyo mid nololeed.

Tarbiyada & Akhlaaqda

Waxaan xoogga saarnaa dhisidda shakhsiyadda ardayga, annagoo ku barbaarina qiyamka suuban ee diinteena Islaamka iyo asluubta wanaagsan.

Deegaan Waxbarasho

Waxaanu wax ku barnaa deegaan ammaan ah, dhiirigelin leh, iyo fasallo qalabaysan oo u sahlan ardaygu inuu si deggan wax u barto.

Kaalay oo Nagu Soo Biir

ka mid noqo qoyska guulaystayaasha ee Dugsiyada Omer Binu Khattab, si aad u xaqiijiso mustaqbalka iyo daryeelka aqooneed ee ubadkaaga.

About us

Omer Bin Khattab Schools
Established in 1994, Omer Bin Khattab Schools in Borama, Somaliland, is dedicated to providing quality education and building a brighter future for the next generation. With more than 1,550 students, we focus on academic excellence, discipline, good character, and lifelong learning.

Excellent Education for a Brighter Future.

LEVELS OF SCHOOL

Dugsiga Hoose

Waa halka uu ubadku ka unko aqoonta, kuna barto akhriska, qoraalka iyo xisaabta, isaga oo dhisaya aasaas waxbarasho . Waxaan ku dadaalnaa kobcinta garaadka, anshaxa iyo kartida arday kasta si uu u yeesho mustaqbal ifaya.

Dugsiga Dhexe

Waxaan ardayda ku hagnaa horumarinta aqoontooda, fikirka hal-abuurka leh iyo masuuliyadda. Waxaan siinnaa waxbarasho tayo leh oo u diyaarinaysa inay si kalsooni leh ugu gudbaan heerka sare, una gaadhaan himilooyinkooda waxbarasho.

Dugsiga Sare

Waxaan ardayda u diyaarinnaa tacliinta sare iyo nolosha mustaqbalka, annaga oo xoojinayna aqoonta, hoggaaminta, anshaxa iyo isku-kalsoonaanta. Hadafkayagu waa in arday kastaa helo xirfadaha iyo aqoonta uu ugu guulaysan karo waxbarashada jaamacadeed iyo nolosha bulshada.

Tartanka Waxbarashada


Tan iyo 1996, Dugsiyada Cumar Binu Khadaab waxay u taagnaayeen horumarinta aqoonta, dhiirrigelinta tartanka waxbarasho iyo kobcinta kartida ardayda. Waxaan dhisnaa jiil aqoon leh, akhlaaq wanaagsan, hal-abuur leh, una diyaarsan hoggaaminta mustaqbalka.

Tartan Aqooneed, Horumar Waara iyo Mustaqbal Ifaya.

Tartanka Qur’aan Kariimka 

Waxaan dhiirrigelinnaa xifdinta, akhriska iyo fahamka Qur’aanka Kariimka ah, si loo kobciyo iimaanka, akhlaaqda iyo kartida ardayda. Waxaan hiigsanaynaa jiil Qur’aanka ku barbaara, kuna dhaqma hanuunkiisa.

“Qur’aanku waa hanuun, nuur iyo barako.”

Tartanka Ciyaaraha

Waxaan dhiirrigelinnaa ciyaaraha iyo tartannada ardayda si loo kobciyo kartida, caafimaadka, wada-shaqaynta iyo walaaltinimada. Waxaan aaminsanahay in guusha dhabta ahi ku dhisan tahay dadaal, anshax iyo midnimo.

“Garoonku waa goobta kartida, anshaxa iyo midnimada lagu Dhiso.”

Dhacdooyinka Dugsiga

BILOWGA CUPKA DUGSIGA SARE EE OBK

Waxaa galabta si rasmi ah loo bilaabay koobka kubadda cagta dugsiga[…]

BILOWGA EXAMKA BILAHA AH

Waxaa si rasmi ah u bilowday imtixaanka bilaha ah ee dugsiyada[…]

1996-2026

Our Graduated  Students

2150+

Wiilal ( Boys )

52.44%

1950+

Gabdho ( Girls )

47.56%

OMER BINU KHTTAB

Dugsiyada Cumar Binu Khadaab waxay ku yaallaan Boorama, Somaliland,

  • +252 63 7004433
  • Obkschool44@gmail.com
  • Xaafad Waynta Xalane